Skip to content

Green color

Random Video

    "Simple Image Rotator" error! Please check the module settings and make sure you have entered a valid image folder path!

Online Meida

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo Abaalmarrin siisay Cayaartooy iyo Shirkad Diyaaradeed.SAWIRRO. PDF Print E-mail
Written by Yusuf   
Monday, 25 January 2010 22:48

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda KMG-ka Soomaaliya ayaa Maanta Qalab iyo Shahaaddo guddoonsiisay Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Air Ways iyo Kooxda Kubadda Cagta u cayaarta Wasaaraddaasi.

Halkaan riix si aadu daawato sawirada:

http://www.radiomuqdisho.net/index.php?page=news&id=613&language=

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda KMG-ka Soomaaliya Prof.Maxamed Cabdi Gaandi oo Maanta Kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Qaar kamid ah Masuuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha Jubba Air Ways iyo Kooxda Kubadda Cagta u qaabilsan Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa waxa uu Qalab Nuuca Sports-ka ah Guddoonsiiyay Kooxda Kubadda cagta ee Wasaaraddaasi iyadoona sidoo kale Shahaaddo Sharaf uu Wasiirku Garoonka Diyaaradaha Aaden cadde Air Port ku guddoonsiiyay Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Air Ways taasoo la tilmaamay inay si wayn uga qeyb qaadatay Duulimaadyadii ugu dambeeyay ee Sanadkii Xajkii lasoo dhaafay.
Prof.Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda KMG-ka Soomaaliya ayaa markii uu Shahaaddo Sharafta Guddoonsiinayay Masuuliyiin ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Air Ways waxaa goob jog ka ahaa Madax kale oo ka tirsan Dowladda KMG-ka Soomaaliya.
Waxa uuna Wasiirku hadalkiisa raaciyay inay arrintaani tahay Mid lagu dhiiro gelinayo Dhallinyarada u Qaabilsan wasaaradda gaadiidka Cirka iyo Dhulka dhinaca Cayaaraha islamarkaasna loo baahanyahay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ay u hayaan wasaaradda.
Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Prof.Gaandi waxa uu ku ammaanay Bahda Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Air ways dadaalka ay u galeen danta Qaranka Soomaaliyeed,isagoo xusay in abaalmarintaani la guddoonsiiyay Shirkaddaasi ay ka war qabaan Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya.
Saciid Cali Qalinle oo kamid ah Masuuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha Jubba Air ways oo ka hadlayay Abaal marinta Shahaaddo Sharafta ah ee la guddoonsiiyay Shirkadda ayaa waxa uu uga mahadceliyay Masuuliyiinta wasaaradda gaadiidka Cirka iyo Dhulka tallaabada wanaagsan oo ay u sameeyeen Shirkadda Diyaaradaha Jubba Air ways,waxa uuna intaasi ku daray inay sii wadayaan Howlaha ay u hayaan guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee Abaalmarinnadaan ay wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda KMG-ka Soomaaliya Guddoonsiisay Kooxda Kubadda cagta u qaabisan wasaaradda iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Air Ways ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ku dooneyso inay ku horumariso dadka u adeegaya qaranka iyo Bulshada Soomaaliyeed.