Skip to content

Green color

Random Video

    "Simple Image Rotator" error! Please check the module settings and make sure you have entered a valid image folder path!

Online Meida

Kooxda NGO/GOS & NGO XSKC oo wada qorshe ay kula wareegayaan Xafiiska Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya Mudane Saleebaan Colaad Rooble PDF Print E-mail
Written by Yusuf   
Thursday, 28 January 2010 00:12

Waxaa yaab leh in kooxda GOS lagu arko madaxtooyada iyo xafiisyada wasaarada isboortiga wixii ka dambeeyay dhaawicii soo gaarey Wasiir Saleebaan Colaad Rooble islamarkaana  waxay ka baaqsaden inay ka hadlaan qaraxii hotel Shamow halka laga soo sheegay inay ku farxi lahaayeen in Saleebaan geeriyoodo, maxaase u diiday inay wasiirkii hore la shaqeeyaan markii hore hadase dhoobay xafiiskiisa isagoo ka maqan shaqada.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in olale balaaran lagu qaaday sidii loola wareegi lahaa xafiiska Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble oo ku sugan isbitaal ku yaal magaalada Riyaad kadib markii kooxda GOS iyo xiriirada mooryaanta ah ee hoos yimaada ay go’aansadeen inay guud ahaan si xeeladaysan gacan ugu dhigaan howlihii balaarnaa ee u waday halgame Saleebaan tan iyo markii xilka wasaraada u qabtey sanadkii hore.

Qorshahaan ayaa waxaa fulinayaa maamulka NGO GOS iyagoo adeegsanaya dad aan xilkas ahayn oo looga tagay howshii uu hayay Wasiirka kadib markii uu ku dhawaacmay qaraxii Hotel Shamow, sida aan ku helnay ilo xog ogagaal ah oo ku sugan magaalooyinka Muqdisho, Jabuuti, London iyo Stockholm.

Kooxda GOS ayaa gacanta ku dhigtey waraaqo muhiim ah oo u diraayay Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya oo ku saabsan qaabka loo marayo sidii isboortiga dalka guud ahaan loogu soo celin lahaa gacanta dowlada Soomaaliya islamarkaana maamulada boobka lagu haysto gacantii dadkii aqoonta Isboorti iyo waayo aragnimada u lahaa loogu soo celin lahaa iyadoo loo marayo qaabka hada lagu maamulo Isboortiga eek u dhisan reer reerka iyo mooryaanimada boobka hantida qaranka.

Waraaqahaan ayaa waxaa diyaariyay wasiirka iyo qubaro la shaqaysa oo kale jooga meelo kale duwan islamarkaana lagu waday in bisha soo socoto ay ku kulmaan dalka Jabuuti in kabadan 60 masuuliyiin Isboorti oo ka kale iman lahaa 18 gobal ee dalka Soomaaliya iyo dalal  kale duwan, si ay iskula meel dhigaan qaabka loo sixi karo isboortiga dalka Soomaaliya maamul ahaan iyo sidii nidaaamka gacanta dowlada loogu soo celin lahaa.

Sida wararka aan ku hayno waxaa wasaaradii Isboortiga iyo dhalinyarada gacanta ku hayo si ku meel gaar ah Wasiirada Haweenka marwo Khadiijo Mohamed Diiriye oo aad moodo inay hareer martey nidaamkii uu ku shaqaynayay Wasiir Saleebaan kadib markii ay  faraha la gashay howl ka duwan howshii socotey markii hore, waxayna gabi ahaan ka leexatey gacan siinta kooxihii dib boorka looga jafay iyo kooxihii la soo celin lahaa , iyadoo ka gaabisay inay la kulanto waxna u qabato kooxha 8 ah ee ka howl gala wasaaradaha kale duwan kadib markii ay si kale ula shaqaysay kooxda GOS halkii looga fadhiyay inay si ku meel gaarka ah shaqada wasiirka uga wado halkii ay joogtey, hasayeeshee  sida igu maqaalo ah waxaa gacanta loo galiyay lacag dhan 50.000 Dolar ah ooh ore uu u dalbay Wasiir Saleebaan si loogu qabto shirka lagu turxaan bixinaayo Isboortiga ee hore wasiirka ugu direy casumadaha dadkii ka soo qayb gali lahaa.

Marwo Qadiijo wasiirka Haweenka ayaa moodaa inay ku shaqaynayso qaab ka duwan qaabkii la rabay inay ku wado howsha ku meel gaarka ah ee mudada gaaban loogu dhiibay, docda kale agaasimaha wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada ayaa lagu eedaynayaa inuu gabi ahaan gatey wax alle wixii documenti ah  oo wasiirka xafiiska uga tagay islamarkaana uu farta ka saarey Jaalle Wiish iyo qowlaysatada isbaarada ku haystao XSKC, kadibna albaabada ka soo laabtey kooxihii wasaarada u diiwan gashanaa iyo ciyaartooydii hore ee shaqada laga siiyay wasaarada si uu uga faaidaysto inta uu shaqada ka maqan yahay Wasiir Saleebaan Colaad Rooble.

Run ahaantii waxaa magaalada Muqdisho ka socda qorshe arinka ay ku dhaqaaqeen Wasiir Qadiijo iyo Agaasimaha Wasaarada looga  hortagaayo islamarkaana waxaa dhawaan shir weyn ku qabsan doono kooxihii dib boorka looga jafay dhamaantood si ay u cambaareeyaan howlaha ka socda xafiiska Wasiirka shaqada ka maqan.

Waxaa kale jira qorshe kale dowlada  Soomaaliya  masuuliyiinteeda  sar sare arinkaan faragalin kaga samaynayso kadib markii aan ku wargalinay inay ka socdaan howlo ka baxsan nidaamkii uu shaqada ku waday wasiir Saleebaan Colaad Rooble, islamarkaana waxaa marwo Khadiijo lagu wargalin doonaa in ay faraha kale baxdo ganacsiga shaqsiga ah iyo heshiiska ay kula gashay qolka mugdiga ah kooxda GOS oo lagu yaqaan ku qaraabasho magaca isboortiga dalka Soomaaliya iyo ka qayb galka shirarka loo baryo tago, iyadoo dalka iyo dadka waxay u qabteen oo la taaban karo aysan jirin.

Dhawaan waxaan idin soo bandhigi doonaa warqadii Wasiir Saleebaan Colaad Rooble ee casumaada shirka Jabuuti iyo dadkii lagu marti qaaday oo dhan iyo qaabka hada lagu wado in loo qabto iyo dadka la doonayo inay ka qayb galaan.

Waxaa yaab leh in kooxda GOS lagu arko madaxtooyada iyo xafiisyada wasaarada isboortiga wixii ka dambeeyay dhaawicii soo gaarey Wasiir Saleebaan Colaad Rooble islamarkaana  waxay ka baaqsaden inay ka hadlaan qaraxii hotel Shamow halka laga soo sheegay inay ku farxi lahaayeen in Saleebaan geeriyoodo, hasayeeshee inta aan dunida joogno waxaan balan qaadaynaa inaan tooshka aan ku daba daareyno aan  sii kordhino, waxaa kale la sheegayaa in wada hadalo ku dhisan qaab raqiis ah ay dhaxmareen ergooyin ka kale socday kooxaha hoos yimaada NGO XSKC islamarkaana la doonayo in qaab reer ahaaneed in afduubka lagu kale qaybsaday isboortigii Soomaaliyeed in halkiisa laga sii wato, arinkaas oo aan u arko waxaan hore u sii shaqayn Karin madaama dadkii Soomaaliyeed ee kale ay soo wada baraarugeen ayna doonayaan inay gobaladooda isboortiga ka soo dhistaan kadibna miiska lagu kale qaybsado hadii kale fagaarayaasha shirarkaecaalamka la isku wado arki doono iyadoo gobal walbo ergo dirsatey ka wakiil ah.