Skip to content

Green color

Random Video

    "Simple Image Rotator" error! Please check the module settings and make sure you have entered a valid image folder path!

Online Meida

Xulka dalka Masar oo ka aargutey xulka dalka Algeria islamarkaana u gudbay finalka koobka African Nations Cup . PDF Print E-mail
Written by Yusuf   
Saturday, 30 January 2010 00:51

 ’Xulka Ghana waa og yihiin kooxda ay la dheeli doonaan ciyaarta finalka kadib markii xulka dalka Masar (Egypt) kaga adkaadeen xulka dalka Algeria  4 goal iyo 0, ciyaartaas oo ku dhamaatey in xulka dalka Algeria ay ku dheelaan 8 ciyaaryahan lagana adkaado ‘’

29/01/2010 10:24

Xulka dalka Masar ayaa aad u danaynayay inay kaga aargutaan ciyaartan ka reebitaankii ay ka reebeen xulka dalka Algeria kooxdooda soo bixitaankii ciyaarihii Aduunka, kadib markii labadii  ciyaarood ay isaga hor yimaadeen labada dal ay barbaro isla dhaafi waayeen dalalkooda, taasoo noqotey in kulan 3xaad loogu qabto dalka Sudan,ugu dambayntiina waxay noqotey in Faroa’s ay ka haraan Ciyaaraha Aduunka 2010 ayna joogaan gurigooda halka  Woestijnenvossen ay boorsadooda u xirxirtaan inay aadaan dalka South Africa.

Labada kooxood ayaa waxay caan ku yihiin ciyaar wanaag farsamadeedu ay aad u sareyso, islamarkaana dadka daawanaya ay aad uga helaan, balse ciyaarta ayaa ku bilaabatey kuleel iyo in kooxba kooxda kale ay ku qaado weeraro dardaran, inkastoo labada goal haye ay yihiin goalhayayaal aad qibradoodu ay u sareyso hadane fursadii ugu horeysay waxaa helay xulka dalka Masar ciyaaryahanka la yiraahdo  Emad Moteab  kubad u ka soo shaqeeyay si wanaagsan ugu dhiibay karoos ciyaaryahanka  Mohamed Zidan, laakinse goalhayaha xulka Algeria  Fawzi Chaoch ayaa si wanaagsan ugu badbaadiyay xulkiisa.

Labada kooxood ayaa midba midka kale saarey culays laakinse ciyaarta ayaa ahayd mid isku miisaaman, laakinse kubad laad dheer ah  oo lagu soo tuurey dhanka goalka xulka Algeria ayaa waxaa lugta la waayay ciyaaryahanka  daafaca Rafik Halliche  kadibna wuxuu isku tuurey weeraryahanka xulka dalka Masar u sitey (10) Moteab  daqiiqadii 39aad islamarkaana u dhigay jalaafo, tasoo keentey in rigoore ama laad xor ah loo dhigo xulka dalka Masar.

Daafaca kooxda Algeria waxaa uu ku qaatey Jaalle ganaax qaladka u sameeyay, tasoo ka dhigan in la siiyo calaamada Gaduudan (Red) islamarkaana uu ka lugeeyo garoonka ama isaga baxo, madaama Ganaax hore oo Jaalle ah u qabay markii uu qalad ku galay Goalhayaha xulka Qaranka dalka Masar waxyar ka hor inta uusan jalaafada u dhigin weeraryahankan rigooraha loo dhigay.

Balse maxaa dhacay markii rigooraha inuu laado  Abd Rabo Hosni ciyaaryahanka (8) u sito xulka dalka Masar, markii u soo dhaqaaqay dhanka Kubada si laad ugu dhufto dhanka goalka dalka Algeria ayuu inta uu soo orday hadane istaagay dhaqaaq cajiib ah kadibna markii Goalhayaha Algeria Chouchi uu fariistey ka dhaliyay goal qurux badan, taasoo Garsoorihii ciyaarta  Bonaventure Coffi Codjia  arkay dhaqaaqa u sameeyay Abdi Rabo Hosni kadibna firinbi yeeriyay tilmaamayna in kubada dhaxda la geeyo qireyna Goalka u dhaliyay ciyarayahanka xulka dalka Masar.

Ciyaaryahanka Chaouchi  oo ah goalhayaha xulka Algeria ayaa caro weyn ka sameeyay lugooyada ama qiyaanada uu ku sameeyay Abdo Rabo Hosni kadib markii lug been ah meel cidlo ah ugu direy , goalhayahaan runtii ma ahayn inuu ka caroodo qiyaanada lagu suubiyay waayo wax qalad ah u sameeyay ma jirto ciyarayahanka xulka Masar laakinse caqligiisa ayuu u isticmaalay, balse maxaa dhacay ama u sameeyay Chouchi?, inta uu soo orday ayuu madaxa u saarey madaxiisa Garsooraha islamarkaana hardi ku dhuftey laakinse garsooraha ma uusan isticmaalin caalamada gaduudan balse waxa uu ugu badalay anshax xumada u sameeyay calaamada Jaalaha ah.

Arinkaan ayaa dad badan u arkeen inay qalad ahayd qaabka u laaday rigooraha ciyaaryahanka xulka dalka Masar balse wax qalad ah oo u sameeyay ma jirto hadii la eego sharciga, tusaale Ciyaarayahanka Johan Crujff oo u dhashay dalka Holand islamarkaana ka mid ah ciyaaryahanada ugu caansan caalamka ayaa hada ka hor sameeyay mar loo dhigay rigoore ciyaar ku dhaxmareysay kooxda Ajax Amsterdam iyo koox kale mar hada laga joogo 30 ka badan in loo dhigay rigoore xor ah ciyaarta oo socoto si uu ugu laado goalka kooxda kale, muxuuse sameeyay Johan Crujff? Inta kubadii u baastey saaxiibkiis Johan Neeskens ama Jack Zwart mid uu ahaa ayaa iga qaldan ayay dhaliyeen goal-kii, tasoo fajiciso ku noqotey kooxdii kale iyo dadkii daawanayay oo idil ciyaartaas, madaama aan waligeed la arkin rigoore la isku baasayo kadibna uu dhalinaayo ciyaaryahan kale oo ahayn kii rigoorada loo dhigay, garsoorihii ciyaartaas qabanayay waxa u ansixiyay in goal yahay ciyaaryahanka rigoorada tuurayayna uu u baasi karo saaxiibadiis madaama ay ciyaarta ay socoto markaas, marka tana waxbo kama duwano in hadane lagu dhaliyo goal caqli ka duwan kii markii hore la wada garanaayay, arinkaan waxaan u soo qaatey inaan dadka weli murmaya oo aan wali Isboortiga fahmin ka tusiyo dhinac kale.

Markii ciyaarta lagu noqday kooxda Xulka Algeria waxay isku dayeen inay raadiyaan barbaro iyo goal laakinse  waxaa si xeeladaysan ula dheelay ciyaaryahanka goalka u qabta xulka dalka Masar Essam El Hadary oo ah rug cadaa halis ah islamarkaana ka mid ah laf dhabarka ay ku dhaartaan Faraaciinta Masar.

Daqiiqadii 65aad ayaa waxaa ciyaartii goal qurux badan dhanka dalka Masar u dhaliyay Zidan  oo si caajiib ah intuu bidixda ugu qaatey lugta ka dhaliyay gees fog laad xoog badan, xulka Algeria ayaa noqday kuwa iswaaya islamarkaana ku jaba ciyaarta kadib markii 2 goal shabaqooda lagu hubsaday, taasoo sababtey in frustaration uu ka qaaday ciyaaryahanka daafaca bidix uga dheela kooxda Algeria magaciisana la dhaho Nadir Belhadj  intuu is hilmaamay labada lugood si aan ku jirin ciyaarta iskugu dayay inuu ku wax yeeleeyo ciyarayahanka Ahmed Fathy ee ka dheela dhanka midig daafaca xulka Masar, Nadir Belhadj waxaa isna laga saarey ciyaarta oo gaduud ayaa lagu qaboojiyay kadibna 10 daqiiqo kadib ciyaaryahanka Zidan ayaa kubad quruxbadan oo uu ka soo shaqeeyay u dhigay meel aan ka fogayn goalka  xulka Algeria Mohamed Abdel Shafy ayaa si degan kubadda ugu hubsaday shabaqa kana dhigay ciyaartii 3-0.


Dhamaadkii ciyaarta waxaa isna laga saarey ciyaarta goalhayaha kooxda Algeria Chouchi kadib markii uu ka laaday jilibka si cadawtinimo ku dheehan tahay ciyaaryahanka xulka Masar uga dheela afka hore Hosni, kubadaas oo ahayd offside, 8 ciyaaryahan oo kaliya oo xulka Algeria ayay noqotey inay la dheelan xidigaha Faraaciinta oo aad ka dheehan kartey inay aad u doonayeen inay Algeria mar un is arkaan madaama ay ka reebeen ciyaaraha Aduunka 2 bilood ka hor.

Ciyaaryahanka Zidan ayaa hadane si qurux badan kubadda ugu salaxay Mohamed Nagy oo markaas waxyar ka hor garoonka soo galay kadib markii u badalay Abdi Rabo islamarkaana si qurux badan shabaqa goalka dawacooyinkii saxaraha(Woestijnvossen) kubada dhax dhigay, tasoo ciyaarta ka dhigtey in xulka Masar ay kaga aargutaan 4-0 xulka Algeria.

Ciyaartiina waxay noqotey in xulka Masar ay si xarago leh kaga aargutaan xulka Algeria, islamarkaana ay ugu sii gudbaan ciyaarta Finalka koobka African Nations Cup oo ka socda Dalka Angola 2010.

Waxaa lagu wadaa in galabnimada Axada fooda nagu soo haysa ay ku kulmaan insha ALLAH ciyaarta Finalka xulalka dalalka Masar iyo Ghana, halka lagu wado maalinta Sabtida ah ay kulmaan xulalka Algeria iyo Negira , kuwaasoo ku tartamaya kaalimaha 3aad iyo 4aad.

Xulka Masar ayaa markii 3aad oo isku xigta soo gaara ciyaarta Finalka koobka African Nations Cup, halka uu 7 jeerna u hore u qaaday koobkan, hadii ay ku darsadaan koobka socda waxa u noqonayaa taariikh markii ugu horeysay dalka Masar 3 jeer oo isku xigta ay qaadan koobkan, xulka Masar ayaa run ahaantii oran karaa xul u qalmay inuu ka qayb galo koobka Aduunka 2010 ee lagu qaban doono bartamaha sanadkaan dalka South Africa, kadib markii uu casharo daruus ah ku siiyay koobkan dalalka Camerun, Algeria, Nigeria,halka Ghana Axada –na inay cashar u dhigaan looga fadhiyo ciyaarta Finalka, waayo dalalkan ay ka soo wada badiyaan waa kuwa ka qayb galaya ciyaaraha aduunka sanadka, halka xulka Masar nasiibkooda uu ka reebay inay u soo gudbaan, balse waxaa jaraaidka dalkan ay hadal hayaan ciyaar saaxiibtinimo ay yeelan doonaan xulalka dalalka  Masar iyo  England bisha Maarso hadii Allah idmo, si xulka Dalka England oo ugu jira diyaargaroowga ciyaaraha aduunka 2010 islamarkaana xulka Algeria ay iskula jiraan hal meel.

Xulka Masar ayaa taageerayaal badan caalamka ka samaystey kadib markii ay soo bandhigeen ciyaar aad u sareysa iyo team spirit oo xoog badan, dadka badanaa waxay ka helaan marka ay goalka dhaliyaan iyo sida ay ugu mahadceliyaan Allahii abuurey, taasoo jawaab u noqotey ciyaaryahano badan oo muslim ah inay kaga daydaan marka ay dabaal dagayaan..

Dadka Soomaaliyeed waxaa muhiim ah inay taageeraan xulka dalka Masar oo ay naga dhaxayso taariikh fog iyo walaalnimo sokeeye waayo dowlada Masar iyo shacabkeeda mar walbo Dalka Soomaaliya waxay u ahaayeen garab iyo walaal tusaale ahaan dalka Masar waxay umadda Soomaaliyeed ugu deeqeen inay u dhisaan dugsiyo waxbarasho sida dugsiyada Jamaal Cabdi Naasir iyo Saqaawadiin islamarkaana waxaa jaamacadaha dalka Masar ka soo aflaxay Soomaali aad u badan, maanta aynu joognana waxaa dhigta kumayaal Arday Soomaaliyeed jaamacadaha iyo dugsiyada dalka Masar, marka waxaa muhiim ah hadii aad wax taageerayso inaa ku taageerto saaxiibtinimo hore iyo ciyaar wanaag, marka maxaa idin soo arkay hal aadan lahayn inay ku jabiso, balanteenuna waa inaa taageertaa xidigaha faraaciinta halkii ay aan taageeri lahayn dal iyo dad aanan ku aqoonin welina xiriirba aysan lahayn dalkaada iyo dadkaada, arinkaan waxaan u soo qaatey markaan arkay Soomaali badan oo aan kale aqoonin micnaha taageerada,waayo ciyaar wanaag ayaa wax lagu taageeraa iyo saaxiibtinimo.

W/D:Yusuf Yusuf

Sports Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London