| Saacid Baariyoow oo majin Qaad ah ka siistey Jaalle Wiish iyo burcada GOS qorshihii Isboortiga dalka |
|
|
|
| Written by Yusuf |
| Saturday, 30 January 2010 11:02 |
|
Warar rasmi ah oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qorshihii isboortiga dalka Soomaaliya ee uu dajiyay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Halyeey Saleebaan Colaad Rooble oo ku xanuunsanaya isbitaal ku yaal dalka Sacuudiga gacanta looga galiyay qowlaysatadii isbaarada ku qabsatey guud ahaan maamulka isboortiga dalka ee kooxda NGO/GOS.
Saacid Baariyoow oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii hore ee kooxda Badda islamarkaana isagoo ku gaajoonaya magaalada Muqdisho laga siiyay shaqo xafiiska Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada islamarkaana lagu aaminay howlaha qaran ee u waday Allaha caafiyee Wasiir Saleebaan ayaa markii qadarta Eebe la soo gudboonaatey halyeey Saleebaan Colaad Rooble si afmiishaarnimo ah howlihii qabyada ahaa ee ka socday Wasaarada u leexiyay dhanka kooxda NGO/GOS islamarkaana ka siistey majin jaad ah sida aynu wararka ku hayno.
Waxaa nasiib xumo ah in Saacid Baariyoow usan ogayn in aan la socono howlaha iyo ka ganacsiga howlihii documentiga haa ee wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya ee uu ku gatey beesada yar islamarkaana uusan lahayn abaal iyo damiir madaama shaqadaba lagu siiyay Soomaalinimo iyo isboorti hore uu soo ahaa, waxay dadka isboortiga Soomaaliyeed la yaaban yihiin sida raqiiska ah ee uu ku shaqeeyay Saacid Baariyoow, waxayna is waydiinayaan dadka hadii uu GOS saaxiibtinimo galaan maxay hore u shaqaalayn waayeen madaama uu 20 sano Xamar uu joogay islamarkaana ay u jeedeen, maanta oo uu nasiib u helay in laga shaqaalaysiiyo xafiis uu maamulo masuul Qaran inuu ka faaidaysto dhaawaca soo gaarey wasiirka iyo ka maqnaashaha uu ka maqan yahay xafiiska waa nasiib xumo.
Waxaan u sheegaynaa Saacid Baariyow in Saleebaan uusan dhiman laakinse uu maqan yahay un islamarkaana uu ku soo laaban doono shaqada dhawaan hadii Allah idmo, isaga uu kula xisaabtami doono shaqada burcadnimada uu ka wato xafiiska iyo baarashada waraaqaha wasiirka, xusuunoow in dowladatan tahay dowlad ku dhaqanta nidaamka maxkamadaha islaamka islamarkaana maxkamad lagu soo istaajin doono si lagugu qaado xukunka ah qiyaano qaran.
Waxaan warbixin xasaasi ah idinkaga soo qori doono dhawaan xaalada Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada ay ku shaqayso iyo isbadalka lagu sameeyay, anagoo warbixin dhiiga dadka dhaqaajinaysa ka soo qori doono farqiga u dhaxeeyo jaalle Saleebaan markii uu shaqada waday iyo maanta sida Khadiijo Mohamed Diiriye shaqada si ku meel gaar ah qaabka ay ku wado iyo sirar badan oo ka hayno howlaha laga fushaday xafiiskii Saleebaan Colaad Rooble oo ahaa xafiiska ugu shaqada badnaa golaha Wasiirada inta uusan dhaawacmin.
Kooxda GOS ayaa niiko iyo dabaaldag ka wada guud ahaan dalka iyo dibadaba islamarkaana ku faanaya inay dhax fadhiyaan maamulaan xafiiska Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya, balse waxaan ogahay inay yihiin dad cumalaa ah oo aan waxbo qabin Karin balse naq raadis ah iyo jecel jago lagu faano, qabyaalada lagu shaqaysto iyo lugooyada isboortiga dalka.
|