Skip to content

Green color

Random Video

    "Simple Image Rotator" error! Please check the module settings and make sure you have entered a valid image folder path!

Online Meida

Xulka Dalka Masar oo caawa qaaday Koobka Qaramada Africa PDF Print E-mail
Written by Yusuf   
Tuesday, 02 February 2010 01:14

 

''Simple football is The most beautifull but playing simple football is the hardest thing, that is total football philosophy, death of West African and Triumph of total football,The Nigeria,Camerun, Ivery coast and Ghana system undermined, defensive football is destroyed, today Egypt  as the Pharoahs confirmed their status as kings of the Nations Cup tournament.’’’’‘’

GUUSHA GOALKII MOHAMED GEDO EE XULKA DALKA MASAR IYO KOOBKA QARAMADA DALALKA AFRIKA 2010 IYO XULKA GHANA OO 18 SANADOOD KADIB YIMID CIYAARTA FINALKA’’

 

Dalka Masar ayaa caawa si rasmi ah ugu guulaystey markii 7aad koobka Qaramada dalalka Afrika oo lagu qabtey dalka Angola 2010, islamarkaana markii 3aad oo xiriir ah noqday horyaal aan la loodin Karin.

·        Sanadkii 2006 waxay ciyaartii finalka ahayd kaga badiyeen kooxda xulka qaranka dalka Ivory Coast.

·        Sanadkii 2008 waxay ciyaartii finalka kaga badiyeen kooxda xulka qaranka dalka Cameron.

·        Sanadkaan 2010 waxay caawa kaga badiyeen garoonka ku yaal caasimada dalka Angola magaalo madaxdiisa ee Luanda xulka dalka Ghana.

 

Ciyaar aad u adag oo ay labada xul  isaga horyimaadeen garoonka Launda ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad u farabadnaa kuwaasoo garaacayay gurbaano islamarkaana lalminayay calamada dalalka ka soo qayb galay, kuwasoo kale taageerayay labada kooxood, ciyaarta ayaa ku bilaabatey jawi degan islamarkaana aad mooday in kooxda Xulka Ghana inay aad uga firfircoonaayeen xulka dalka Masar kulanka galabte finalka.

 

Balse dadka intooda badan iyo jaraaidka caalamka ayaa hore u sii saadaaliyay in kooxda xulka Masar ay ka waayo aragsan yihiin kooxda da’yarta xulka Ghana, daafaca kooxda Masar iyo goalhayahooda wax qalqal ah ama cabsi ah kuma haynin weerarada is daba jooga ah ay ku soo qaadayeen ciyaartooyda kooxda Ghana, inkastoo Masaarida aad moodo inay mar un gadayaan inay kooxda Ghana goalkooda kubadda la tiigsan doonaan.

 

Kooxda Masaarida ayaa haysata ciyaaryahano isku miisaman kuwaas qibrad iyo waayo aragnimaba leh, laakinse kooxda Ghana waxay u badan yihiin dhalinyaro firfircoon islamarkaana ku cusub koobkan marka laga reebo kabtankooda dhaawaca ku maqnaa Essien oo ah laacib Qatar ah una dheela kooxda Chelsea.

 

Ciyaarta qaybteedii ugu dambaysay ayaa waxay sida caadadu ahayd garoonka soo galiyeen waa xulka dalka Masar ciyaaryahanka caanka ku noqday inuu gadaal ka soo galo islamarkaana goal qurux badan shabaqa kooxaha ay la dheelayaan ku nasiyo kubadda si farsamo iyo kalsooni ku jirto. Ciyaaryahan Mohamed Gedo ayaa shan ciyaarood ay gadaal ka soo wada galay dhamaantood dheelay wax ka yar 15 daqiiqo islamarkaana shan Goal u dhaliyay xulka dalkiisa islamarkaana noqday Goal dhaliyaha tartankan Africa Cup of Nation 2010 Angola.

 

Gedo ayaa si qurux badan weerar degdeg ah kaga soo qaaday dhanka bidix islamarkaana kubadda si dagan ugu dhiibtey laacibka number 9aad u sita kooxda Masar islamarkaana gudaha uga sii gudbay dhanka Goalka kooxda Ghana, Zidan ayaa inta kubadda waxyar kadib si farsamaysan ugu sii gudbiyay dhigay dhabarka daafaca kooxda xulka Ghana iyo meel u dhaxaysa Goalhayahooda iyo ciyaaryahan Mohamed Gedo.

 

Mohamed Gedo ayaa si cilmiyaysan oo farsamo iyo xowli ku socoto kubadda ku dul bootiyey geeska midig goalhayaha kooxda Ghana, sidaasna ku dhaliyay Goalkii Guusha dalkiisa markii 3aad ee is xig xiga kaga badiyeen xulka dalka Ghana, sidaasna ku noqday horyaalka qaramada xulalka Africa 2010 ee lagu qabtey dalka Angola.

Xulka Masar waxay dabaaldag ka dhax sameyeen garoonka weyn ee Luanda islamarkaana Allah ugu mahadceliyeen guusha kooxdooda ka keneen caawa koobka Afrika.

 

Garoonka waxaa joogay caawa madaxwaynaha dalka Angola, Gudoomiyayaasha xiriirada kubadda cagta Aduunka iyo kan Afrika ( FIFA/CAF), kuwasoo gudoonsiyay abaalmarinadii loogu talagalay koobka Qaramada dalalka Afrika.

 

Kooxda Dalka Masar ayaa gashay kaalinta Kowaad 2010, halka Dalka Ghana u galay kaalinta 2aad, kaalinta 3aad waxaa galay dalka Nigeria , kaalinta 4 aad waxaa galay  Xulka dalka Algeria. Goalhayihii ugu wanaagsanaa waxaa noqday goalhayaha dalka Masar Essam El Hadary.

 

Laacibkii ugu wanaagsanaa koobka Africa Cup  of Nations  waxaa noqday laacibka dalka Masar ahna kabtanka kooxda ciyaaryahan Ahmed Hassan. Ciyaaryahankii ugu Goalasha badnaa waxaa noqday laacibka 5 jeer gadaal ka soo galay garoonka ee dhaliyay 5-ta Goal Ciyaaryahan Mohamed Gedo.

 

Kooxdii ugu wanaagsanayd waxaa noqotey kooxda koobka qaadatey ee dalka Masar.

Macalinkii ugu wanaagsanaa koobkaan islamarkaana 3 jeer isku xigta qaaday isagoo wata xulka dalkiisa Hassan Shahata ayaa noqday.

 

Markii ciyaarta dhamaatey dalka martida loo ahaa waxa u soo bandhigay Festival aad loogu riyaaqay qaabkii ay u soo sameyeen iyo xafladii xiritaanka koobka Qaramada dalalka Afrika, dalka Angola oo muda dheer dagaalo sokeeye soo marey ayaa hada moodaa inuu ka gudbay una gudbay meel aad u sareysa islamarkaana dadkoo dhan ay ka marqaati kaceen inay ka horeeyaan wadamo badan oo caalamka ku yaal, tanina waxay tusaale u tahay dalkeena Soomaaliya oo xaalada uu hada marayo ay tahay mid ay soo mareen dalkan Angola, marka waxaan dhihi karaa anagana waan soo noqon karaan hadaan dadaalno oo aan iska dayno dhibaatada aan dadkeena iyo dalkeena ku hayno, waayo horaa loo yiri gacmo wadajir ayay wax u qabtaan.

 

Markii ciyaartii dhamaatey ayaa waxaa la hadlay jaraaidka macalinka labaad ee xulka dalka Masar ninka la yiraahdo coach Shawky Garib oo qirey inay markii horeba ay yiraahdeen waxaan daafacanaynaa koobkii aan hore aan qaadnay, marka Ghana waan u hambalyaynayaa dadaalka ay muujiyeen iyo soo gaaritaanka ay soo gareen ciyaarta Finalka, runtii aad ayay u ciyaar fiicnaayeen maanta laakinse anaga qibradeena ayaa noo sahashay inaa si fudud uga badino kooxda Ghana islamarkaana aan noqo markii 3aad horyaal aan la loodin Karin si fududna looga adkaan Karin.

 

Macalinka Xulka Ghana Ghana coach Milovan Rajevac oo ahaa macalinkii da’yarta xulka Ghana ninkii 18 kadib keenay ciyaarta Finalka maanta looga badiyay oo la hadlay jaraaidka waxa u yiri ‘’ anaga waayo aragnimadaa nagu yarayd, waxaan rabnay inaan badino laakinse nasiib xumo ayaa nagu dhacday iyo qalbi jab laakinse waayo aragnimada ayaa muhiim ah taas ayayna noqotey gunaanadkii ciyaartan finalka’’

 

Kooxda dalka Masar oo loo yaqaan xidigihii faraaciinta ayaa koobka Afrika Cup casharo ama daruus wada siiyay dalalka Afrika uga qayb galaya koobka Aduunka 2010 ee lagu qaban doono dalka South Afrika, sida Algeria, Cameron, Nigeria, Ghana iyo dabcan Ivory Coast kooxdii ka soo badisay ayay caawa ka adkaadeen, marka soo ma oran karno Erayo caan noqday oo ay isticmaaleen qabiiro Isboorti ‘’ Simple football is the most beautifull but playing simple football is the hardest thing, that is total football philosophy, death of West African and Triumph of total football,The Nigeria,Camerun, Ivery coast and Ghana system undermined, defensive football is destroyed, today Egypt  as the Pharoahs confirmed their status as kings of the Nations Cup tournament.

 

Ghana: Kingson, Addy, Inkoom, Sarpei, Vorsah, Annan, Andre Ayew, Agyemang (Addo 89), Asamoah, Agyemang-Badu, Gyan (Adiyah 87).

Subs Not Used: Adjei, Osei, Mensah, Narry, Amoah, Rahim Ayew, Afful, Draman, McCarthy. Booked: Agyemang.

 

Egypt: El Hadary, El Mohamady, Said, Gomaa, Moawad (Abdelshafy 57), Fathi (Salem 89), Abd Rabou, Hassan, Ghaly, Zidan, Moteab (Gedo 70).

Subs Not Used: Abdoul-Saoud, Fathallah, El Sakka, Eid, Tawfik, Wahid, Shikabala, Raouf, Hamdy.

Booked: Moawad, El Mohamady, Ghaly.

Goals: Gedo 85.

Att: 45,000

Ref: Koman Coulibaly (Mali).

Masar guul iyo hambalyo ayaanu leenahay, ciyaar wanaag isku xirnaan asluub iyo karti ayay muujiyeen islamarkaana waxay caalamka tuseen in mar walbo lagu shugriyo Allah guul iyo guuldaro, farxad kasto ay muujinayeen dalka Masar koobkan waxay ila tahay inaysan ku arki doonaan koobka Aduunka 2010 madaama xulka dalka Masar ka maqan tahay, balse waxaan rajaynaynaa in Afrika markii ugu horeysay taariikhda ee dalkeeda lagu qabto koobkan inay hanato

W/D: YUSUF YUSUf~Sports Editor of SSPAMEDIA~mrsomalia@hotmail.com~London