Skip to content

Green color

Random Video

    "Simple Image Rotator" error! Please check the module settings and make sure you have entered a valid image folder path!

Online Meida

NGOSOM Maamulkooda oo lagu soo oogay inay lunsadeen lacag dhan 40.000 Euro PDF Print E-mail
Written by Yusuf   
Thursday, 25 February 2010 09:01

Ururkii EuroSom ayaa intii badnayd kooxihii ku midoobay ay isaga baxeen kadib markii maamulka ay isaga horyimaadeen qaabka loo maamulayo ururka iyo nidaamka miisaaniyada kooxaha bixiyaan iyo tan ay ku helaan deeqaha ciyaaraha ay  qabtaan.

Ururkaan oo ahaan jirey bari ururka ugu wanaagsan ururada ka jira dalalka Yurubta Galbeed ayaa waxaa ka mid ahaan jirey oo xubno ka ahaa ilaa 10 kooxood kuwaasoo ka kale imaan jirey  dalalka Belguim, Holand, Norway, Finladn, Sweden, Denmark iyo UK, halka ay isaga baxeen kooxaha ka imaan jirey dalalka Holand, Belguim, Norway, Denmark iyo kooxaha Liecester iyo Bermingham, kadib markii maamulka fadhiidka ah ay isku afgaran waayeen in ururka wax laga badalo islamarkaana dhaqaalaha beenta ah ay ka qaadaan kooxaha sanad walbo lagula xisaabtamo meesha ay mariyaan iyo sababta loo dhiibaayo madaama kooxaha u arkeen in lacagtaas ay u isticmalaan danahooda qaaska ah dad aysan ku qabin kalsooni oo jecel inay sheegtaan inay yihiin gudiga farsamada iyo maamulka ururka.

NGOSOM ayaa caadaystey inaan waxbo laga badalin maamulka ururka tan iyo markii lagu soo dhisay dalka Sweden sanadku markuu ahaa 2003 ilaa haatana waxaa sheegta inuu gudoomiye yahay nin iska jecel inuu meesha iska fadhiyo waxna ku soo kordhin ururka islamarkaana laga maamulo daaha gadaashiisa, waxaana meesha isaga baxay dadkii magaca iyo sharafta uu ururka lahaa gaarsiiyay meesha sare, arinkaan dadka dhan ayaa xaqiiqsan waayo sumcada maanta ururka ku dhax leeyahay umadda Soomaaliyeed waa la wada ogsoon yahay.

Waxyaabaha ururka burburiyay waxaa ka mid ah:

Xukun jacayl iyo iyadoo  loo arkay in lagula gorgortamo kooxda GOS in xilal iyo shirarka lagala qayb galo

In lagu lunsado lacago sanado walbo islamarkaana dhalinyarada lagu maaweeliyo waxaan jirin

Wax qabad la’aan sadaxdii sano ee ugu dambaysay iyo maamulka oo aan kalsooni ka  samaysan waayay dadkii ururka wax ka soo dhisay

Hada maxaa la doonayaa madaama kooxihii ugu badnaa ay ka baxeen islamarkaana ay ka dheelaan dalka Sweden iyo Somaliweek London, waxaa la doonayaa in lacago looga jafjafto dowlada Finland islamarkaana dad is xambaar ah lagu soo galiyo dalka Finland sidii kalkii hore dhacday, arinkaan waa xaqiiq waxaana ka helay dad aad ugu dhaw maamulka NGOSOM oo ii sheegay in madax ka tirsan kooxda GOS casumaad loo direy islamarkaana lagu soo dhax qarinaayo dad isxambaar ahaan loo rabo in lagu keeno dalka Finland sidii dhacday kal hore.

Kooxaha ka qaybgali doono tartanka NGOSOM sanadkaan waxaa lagu qiyaasay inay noqon doonaan ilaa  6 kooxood oo jacbur ah halka dhalinyaradii ka qayb gali jirtey tartamadaan islamarkaana xisayn jirtey ay gabi ahaanba ka qayb gali doonaan ciyaaraha lagu qaban doono dalalka UK,CANADA &SWEDEN, halka kooxo  ku dhisan beelo iyo kuwo naq raadis ay oo meel ay waayeen ay ka qayb gali doonaan.

Maamulka iyo kuwa aan kalsoonida ka haysan kooxaha ay sheegta gudiga farsamada ayaa caado ka dhigtey inay sanad walbo lacagaha ay bixiyaan kooxaha u isticmalaan danahooda qaaska ah islamarkaana mooday hadii arinkaasi meel mar noqon waysay caqabad weyn oo aysan kaga soo qayb gali Karin cayaaraha madaama ay fursad u arkeen lacago ay ku helaan si fudud, arinkaan waa sababta ugu weyn ee u burburey ururkii EuroSom madaama kooxihii dhan ay ka horyimadeen islamarkana ay diiden inay bixiyaan fee been la rabo in lagu qaato.

Docda kale waxaa iyana qosol badan ninka ku magacaaban inuu yahay Xoghayaha ururka NGOSOM Jaalle Lolow inuusan kale garan Karin cida uu xilka u hayo iyo shaqadiisa waxay tahay kadib markii uu ku fashilmay inuu shaqadiisa uga soo baxo sidii markii hore lagu doortey, ninka kan ayaa ku fashilmay inuu kooxdiisa wax u qabto islamarkaana sharciga soo taago dadkii dhaawaca halista ay soo gaarsiiyay ciyaarihii lagu qabtey magaalada Gotenburg ciyaaryahan Boqol oo ah wiil aad u wanaagsan oo mudan in gacanta lagu soo dhigo kuwii dhibaatada soo gaarsiiyay halka Jaalle Diini  uu ku ceeboobay inuu daafaco islamarkaana ilaaliyo martida magaaladiisa timid isagoo sheeganaya inuu yahay gudoomiye.

Lolow ayaa sida la wada ogyahay lagu yaqaan shaki iyo cuqdad islamarkaana u shaqeeya qaab NGO-nimo sida ka muuqato ganacsiga uu ka sameeyay dhaqaalihii kooxda Waabari halka Macalinka da’yar C/raxmaan Shardi oo ahaa ruuxa kooxdaba isku haya uu ka qaban waayay kuwo maamulka sheegta EuroSom oo marar badan ku gardarooday, marka Lolow oo aanba koox haysan inuu hadana sheegto inuu maamulka ka yahay Xoghaye soo ma oran karno waxa meesha ka  socda waa NGOnimo, soona ma ahayn in isaga meesha laga saaro.

Fadeexada ugu weyn ee ururkii EuroSom burburisay waxay ahayd lacagaha lagu lunsaday maamul ahaanta islamarkaana loo diiday in laga qanciyo kooxihii dhisay ururka, marka maanta oo aad u jeedo in meeshiiba ay ku soo hareen qoys ma umalaynaayo inay sheegan karaan inay yihiin EuroSom maadama ay ka baxeen dadkii lagu yaqiin iyo kooxihii caanka ka soo dhigay, halka ay haboonaan lahayd inay dhahaam EuroSomUK madaama 5 naadi oo UK degan lagu soo badaly 5 wadan kooxihii ka imaan jirey.

Gudiga farsamada oo aan kalsooni ka haysan kooxaha islamarkaana mooday hadii lacagta fee laga jaro ay u isticmalaan inay dhimanayaan, arinkaasoo uu ku raaceen kooxda maamulka sheegata oo iyana u isticmaala lacagtaas danahooda qaaska ah, halka lacaga lagu dalbado kooxaha sanadkii in iyana lagu qaybsado cayriinka sida calasow oo Norway degan u sheegay in maamulka ay ka qaateen 26000 oo Kr halka Sanay ay ka dhaceen lacag ka badan 10.000 Pound

Dadka dhabarka ka taagan NGOSOM ee iskugu xiran qaab beeleedka ayaan mar kale dooday sababta keenaysa in dad is wata inay isku dayaan inay faragalin ku hayaan qaabka loo maamulaya ururka waxay igu dhaheen Sweden maa eegtid labada garab ka dhisnaa beelo ayaa dhabarka ka taagnaa anagana EuroSom sidaas ayaa u garab taagan nahay halka GOS ay noqotey meelo qoysas loogu qaybiyo kuraasta, meesha waxaa iga muuqda caqligii ahaa tashan mayno, kalena tagi mayno