Skip to content

Green color

Random Video

    "Simple Image Rotator" error! Please check the module settings and make sure you have entered a valid image folder path!

Online Meida

Xiriirka Kubadda Cagta oo Dhegaha ka fureystey Saxaafadda Muqdisho PDF Print E-mail
Written by Yusuf   
Thursday, 25 February 2010 11:25

 Masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta ayaa dhegaha ka xirtey la hadalka warbaahinta qeybta sportiga ee caasimadda muqdisho ka howl-gasha,
Arintan ayaa waxaa tusaalle cad u noqdey ka dib markii masuuliyiinta xiriirka oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha,ku-xigeenkiisa,iyo kaaliyayasha xoghayaha ay telefoonada ka qaban waayeen dhowr weriye dhinaca sportiga ah oo ka howlgalla warbaahinta magaalada muqdisho ka hadasha,
Si kastaba ha ahaatee Arinkan ayaa waxaa ay u muuqataa in xiriirka kubadda cagta ay diidan yihiin ka hadalka iyo suaalaha uga imaanaya wariyayaasha ee ku aadan Xiliga ay dhahacayso Doorashada xiriirka kubadda cagta oo ku asteysan bisha May ee sanadkan 2010.
Magaalada muqdisho oo ay inta badan ka dhisan yihiin 25 kooxood ee haqa u leh in ay doortaan masuuliyiinta cusub ee xiriirka kubadda cagta ayaa waxaa iminka ka socda hadalheyn aad u weyn oo ku aadan doorashadaasi iyada oo dhinaca kalena ay jiraan qilaafaadyo u dhexeeya qaar ka tirsan kooxahaasi iyo masuuliyiinta xiriirka iyo sidoo kale kala qeybsanaan u dhexeeysa milkiyadda kooxaha qaarkood oo muran uu ka taaganyahay.
Sida sharciga uu qabana waxaa laga doonayaa gudiga ama Xoghaynta xiriirka in ay ku dhawaaqan qabsoomidda doorashada ka hor 60 maalmood ama laba bilood,Mana cadda iminka in ay arinkaasi dhici doonto iyada oo laga dhursugayo Xoghaya xiriirka C/qani carab oo la sheegey inuu muqdisho ku soo wajahanyahay.
Saxaafadda o inta badan ah Aaladda ka shaqysa buun-buuninta iyo kor u qaadida sportiga la-aanteedta aysan suuragal noqon karin in sportiga horumar gaaro ayaa Xiriirrada inta badan aysan siinin ahmiyadd gaar ah marka laga Reebo xiritaano iyo furitaan tartamo ay qabtaan oo kaliya,
Waxaana inta badan masuuliyiinta xiriiradu ay ka cararaan wax ka weydiinta arimaha ku soo kordha oo ay saxaafaddu soo ogaato sida tartamo dibadda tababaro iyo seminaaro ay helaan xiriirada qaarkood oo siyabo kala duwan loo adeegsado.
Cabdul-xafiid zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com