TACSI: Walaalkeen Cabdiraxiim Cali Diiriye oo Aabihii ku geeriyooday magaalada London Print
Written by Yusuf   
Tuesday, 02 March 2010 00:31

INNAA LILAAHI WAA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan halkaan tacsi uga direynaa walaalkeen saaxiibkeen Cabdiraxiim oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii hore ee Kooxda Madbacadda Qaran (MBC Club) oo Aabihii  Marxuum Cali Diriye geeriyooday galabta  magaalada London Allaha u naxariistee Aamiin

Waxaa geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda iyo qaraabadii reer Cali Diriye meel kasta oo ay joogaan, islamarkaana la filayaa in marxuumka lagu aaso magaalada London maalinimada Berito hadii Allah idmo, balse wixii ku saabsan duugta kale xiriir Qoyska insha Allah

Waxaan ilaaheey uga baryeynaa in uu janadii ka waraabiyo dhammaanteena samir iyo iimaan naga wada siiyo.

AAMIIN AAMIIN