Abdikariim Caddaay xidig ku socda raadkii Walaalkii C/salaan Print
Written by Yusuf   
Friday, 05 March 2010 00:12

 

Cabdikariim Ibrahim Caddaay oo Heshiis Hal Sano ah la Saxiixday Kooxda Dhalinyarada Manchester City

            

 


W/D: YUSUF YUSUF - Sports editor of SSPAMEDIA - mrsomalia@hotmail.com - London


Aabaha C/salaam iyo C/kariim (Abdulqaadir Cadaay)

March 03, 2010 - QOL - London 03/03/2020. C/kariim Ibraahim Caddaay  ayaa heshiis hal sano ah la saxiixday kooxda Junior-ka Manchester City kadib markii ay ka heleen qaab ciyaareedkiisa, wiilkan Soomaaliyeed ayaa waxaa uu la dhashay ciyaaryahanka Cabdi Salaam Ibraahim Caddaay oo u dheela kooxda Manchester City islamarkaana waxaa dhalay garsoore C/qaadir Caddaay.

Cabdikariim waa 14 sano jir mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda cagta degana magaalada Manchester inkastoo isaga , walaalkiis iyo qoyskooda ay ka soo guureen dalka Norway kadib markii walaalkiis C/salaam ay kooxda Man City ka soo gatey koox dalka Norway ah oo uu hore uga soo tirsanaan jirey.

Heshiiska ayaa ah mid hal sano socon doono kadibna waxaa lagu samayn doonaa cusboonaysiin islamarkaana waxaa uu C/kariim kaga sii gudbi doonaa Dugsiga tababarka kooxda Man City oo loo yaqaan Manchester City Academy sida uu iisheegay Garsoore C/qaadir Caddaay oo ah Aabaha C/salaam iyo C/kariim , kuwasoo haatan ka tirsan kooxda Man City.

Run ahaantii waa guul iyo farxad u soo hoyatey dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan dalka Ingiriiiska iyo gaar ahaan magaalada Manchester dadaalka ay sameyeen reer Caddaay oo mudan mid looga daydo horumarka halka C/kariim  u hayo wadadii uu marey walaalkiis raadkeeda.

Mar aan saakay qadka telefoonka kula sheekaystey mudane C/qaadir Caddaay ayaan su’aalay sababta Soomaalida degan magaalada Manchester  dhalinyaradooda aysan uga faa'idaysan qibrada iyo fursadatan oo kale ayaa ii sheegay inay jiraan dhalinyaro badan oo aad ugu fiican kubadda cagta oo meel ka gaari karo mustaqbalka laakinse cilada jirta waxay tahay waalidkooda oo aad moodo kuwa aan fursadahan inay ugu faaideeyaan caruurtooda aan diyaar u ahayn, tusaale halka ay ku taal Academy Manchester City waa xaafada Soomaalida degan magaalada intooda ugu badan ay degan yihiin laakinse waxaa mooda inay fadhi ku dirirka ay ka door bideen inay waqti badan galiyaan ubadkooda.

Aniga diyaar ayaan u ahay inaan gacansiiyo laakinse iyaga ayaa laga rabaa inay maalin walbo dabo socdaan caruurtooda oo kenaan markasto oo ay jirto tababar iyo ciyaar ayuu yiri Cabdulqaadir Caddaay oo ah aabaha dhalay C/salaam iyo C/kariim islamarkaana ah qabiir isboortiga si wanaagsan u yaqaan oo garsoore ka soo ahaan jirey dalkii Soomaaliya barisamaadkii.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee degan Qurbaha waxaa muhiim ah inay ubadkooda waqtigooda intiisa badan galiyaan sidii caruurtooda mustaqbalkooda u wanaagsanaan lahaa insha Allah waayo hadii ubadka inta uu yaryahay loo dadaalo waxa u gaarayaa meel wanaagsan hadii ay ahaan lahayd waxbarashada, diinta iyo Isboortiga, waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumar C/kariim Ibraahim Caddaay insha Allah.

W/D:YUSUF YUSUF

Sports editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London