Dalka Dibadiisa Isboortiga lagama maamuli karo Print
Written by Yusuf   
Friday, 05 March 2010 20:08

 


Ibrahim Shaash & Mohamed Ismacil


Dhageyso Jawaabta Mohamed Ismacil Siteey & Ibrahin Shaash


Wargalin iyo ogaysiin dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Isboortiga kuwooda magac doonka iyo xil raadiska, waxaa la ogaysiinayaa cidii doonayso inay magac ku samaysato halaa sheego  ah inay ka mid noqon karto NGO/GOS iyo Xiriiarada gacan ku rimiska ah ee hoos yaala, balse waxaa u haynaa lijn/line ay kaga mid noqon karto, iyadoo loo marayo wado fudud laakinse shuruuda ugu adag waxaa weeye inaa tahay magac doon islamarkaana aad bil kasto dhiibi karto biil joogta ah oo dhan 100 Dolar ugu badnaa ugu yaraana 50 Dolar, sidaa daraadeedna warqad lagu soo qoraayo ay ku qoran tahay wakiilka NGO/GOS ee magaalada aad rabto ku nooloow.

Waa ila qosol NGO/GOS United Nation miyaa wakiilo badnaa oo hadane waxtar yaraa, dadka ka mid noqonayana aqoon xumaa, waayo waligeed ma la sheegin Olympic wakiilo ku leh dalal kale oo aysan shaqo ku lahayn, wareegto ayaa qiimo beeshay naanaab kasto oo shilimaadka caruurtiisa ka soo dhaco ama magaca caruurta Soomaaliyeed dhac dhac gaalada uga soo shaxaado hadii GOS jago aan jirin siinayso waxay ila tahay waxa meesha lagu hayo owalba ma jirin oo aan ka ahayn maaweelada caruurta.

Yusuf Yusuf

TORONTO Waxaa bisha July horaanteeda sanadkan 2010 haddii alla idmo ka furmi doono magaalada Toronto tartan kubadda koleyga ah oo ay abaabulkiisa si habsami leh hadda gacanta ugu hayaan cayaartoydii cuslaatay,taas oo si niyad sami iyo qalbi furnaan ku jirto ay u soo dhaweeyeen dhammaan bahweynta isboortiga qurba joogta mar laga reebo shaqsiyaad ka tirsan XSSK oo isu tusay in tartamada noocan oo kale ah ay fashil ku yihiin waxqabad la’aanta ka muuqata XSKK iyo gacanta ay ka geysteen burburintii urur weynihii kubadda koleyga SSIFO oo lagu dhisay dalka UK sanadkii 2008,intaa kaliya kuma ekaan shaqsiyaadkaas waxay baajiyeen tartan kubadda koleyga oo si weyn looga diyaar garoobay dalka sweden sanadkii 2009 ,haddana ay si cad saxaafada ugu baahiyeen in waqtigan la joogo in aan wax tartan kubadda koleyga ah la qaban karin

Hadaba su’aasha isweydiinta leh waxay tahay dadku nool dalka dibadiisa qeyb ma ka noqon karaan xiriirada dalka guddihiisa ka dhisan ?

Su’aashaas waxaa si cad jawaab kulul uga bixiyay laba cayaartoyd oo ka mid kuwa ugu magac dheer isboortiga Soomaliyeed oo kala Mohamed Ismaciil cali SITEEY iyo Ibrhaim Ahmed Ali Shaash oo lababa ka tirsanaa kooxda xoogga dalka Somaliyeed Horsee iyo xulka qaranka

Waxaa mar wareysi siiyay telefishinka ETN,xoghayaha XSKK oo sheegay in tartamadii kubadda koleyga dalka ay hadda u xayiran yihiin garoonkii luujino nabad galyo daro awgeed,taas oo dad badan oo somaliweek la soo xiriiray ku tilmaameen in maamulka XSKK iyo qaar ka tirsan macalimiinta qaranka in sida ugu dhaqsaha badan talaabo looga qaado

Guddoomiha guddiga GOS Adan Hagi Yabarow oo si rasmi ah loogu martiqaaday in uu ka soo qayb galo tartanka kubadda koleyga ee lagu qaban doono Toronto bisha July 2010,wuxuu guddoomiyuhi aad ugu riyaaqay maamulka tartanka gacanta ku hayo oo uu ku tilmaamay talaabo ku dayasho mudan

Hadaba hogaanka GOS ma ka war hayaa dhaqdhaqaayada maamulka XSKK?

Waxaa somaliweek isku dayday in wareysi la yeelatay guddoomiye ku xigeenka XSKK balse uu ka gaabsaday in xiligan la joogo uu saxaafada war siiyo,haddana waxaan idiin soo gudbin doono wareysiyo badan oo ku saabsan XSKK iyo wuxuu qabtay labadii sano ee ugu dambeysay haddii allah idmo ?

A NEW BEGINING IS NEVER TOO LATE FOR SOMALI BASKETBALL FEDERATION



Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto