Buuq iyo dagaal hareeyay garoonka Iskoolka Booliska kadib markii NGOXSKC ay damceen indhosarcaadiyaan dadka Soomaaliyeed Print
Written by Yusuf   
Sunday, 07 March 2010 01:03

 ''Gudoomiyihii Gasco iyo 3 ka tirsan taageerayashiisa oo xabsi ku jirey saacado''

Iyada oo garoonka scolla bolisia ee magaalada muqdisho uu ka bilowdey horyaalkii 6aad ee kooxaha heerka labaad seria (B) ayaa waxaa jira qeylo dhaan iyo buuq hareeyey tartankaasi, ka dib markii qaar ka tirsan kooxaha ka qeyb-galaya tartankaasi shaki la geliyey lahaanshahooda iyo milkiyadda kooxeed ee sharciga ah.
 
Aroornimadii saaka oo ku beegneyd 6-3-2010 ayaa waxaa garoonka scolla-polisia isugu tegey ilaa 3 kooxood oo lebisan dareeskii koox kubadda cagta lagu yiqiiney,waxaana ay kooxahaasi kala ahaayeen FcDaallo,iyo labo kooxood oo ku wada socdey magaca Gasco waxaa halkaasi goobjoog ka ahaa madaxda xiriirka kubadda cagta ee soomaliya iyaga oo sheegey in kooxda gasco ay u aqoonsanyihiin tan uu madaxda u ahaa Xaaji xuseen Geeddi balse kooxda kale Garoonka laga saaro.
 
Muran iyo Buuq fara baadan oo ciyaartii dib u hakisey ka dib waxaa weerar lagu qaadey kooxdii uu madaxda u ahaa Aweys Cali Xaaji Dalfac (Aweys beeley) iyada oo halkaasi policeka goob jooga ka ahaa ay qab-qabteen Aweys iyo 3 ruux oo kale oo uu ku jirey darawalkiisa,waxaana lagu xirey saldhiga 4 irdood magaalada muqdisho,
 
Aweys beeley oo ahaa codeeyihii shirkii doorashada xiriirka kubadda cagta ee magaalada baydhabo ayaa ii sheegey in damaanad lagu soo daayey isla markaana uu ka xunyahay waxa dhacay ee ah in xaqiisa la duudsiiyo isla markaana xabsi loogu daro,.
 

"Aniga kooxdeyda ayaan geeyay garoonka waxaan ku iri garoonka gala oo ciyaara wax hub ahna ma wadan waayo kooxda GASCO waa kooxdeyda suuragalna maaha in cid kale sheegato aniga oo nool ayuu si carro leh u yiri"

Aweys cali dalfac (Beeley) ugu danbeyntii baaq u direy wasaaradda isboortiga,GOS, FIFA, CECAFA iyo dhamaan inta jecel isboortiga inay soo farageliyaan arinkan uu ku tilmaamey tacadi iyo boob uu ku sheegay inay wadaan hogaanka xiriirka kubadda cagta oo uu sheegay in waqtigooda dhamaadadey ay doonayaan in ay doorasho ku gallaan magaca kooxo aan jirin oo ay suuqa ka keensadeen..

 

Shaley oo ku beegneyd 5-3-2010 ayaa garoonka dugisga policeka (Scuola Polizia) xiriirka kubadda cagta ka fureen tartanka horyaalka 6aad ee kooxaha heerka labaad seria B iyada oo ay xusid mudan tahay in wax tartan horyaal ah aan la qaban tan iyo maarkii dib u habeynta lagu sameeyey xiriirka eee meesha laga saarey muxudiin darbo, sidoo kale horyaalkan iminka la bilaabey ayaa la xusey sida jadwalkiisu ka muuqdo mid aan la ciyaari doonin kulamo badan oo la hakin doono sababo ay xiriirku ku sheegeen in safaro ay geli doonaan garsoorayaal iyo xulka qarankaba.

Isku soo duub arinka isweydiinta mudan ayaa ah aawey oo halkee ku danbeysey sheekooyinkii ku saabsanaa Doorashada kubadda cagta oo ku beegneyd bisha May ee soo socota waajibna ahayd in 60 maalmood ka hor la shaaciyo.

 

Maaha in qalinkeygu qariyaa waxa ka daahsoon bulshada sportiga gaar ahaan kubadda cagta, koley dadaalka iminka uu bilaabay xiriirka kubadda cagta ee ku aadan bilaabidda tartanka aan dhameystirka lahayn ee seria B, + safarka garsoorayaasha kubadda cagta ee dibadda,+ bixitaanka xulka qaranka dalalka djabute iyo tanzania + Socdaalka dhowaan masuuliyiinta kubadda cagta ee Djabute + aamusnaanta xoghaynta xiriirka kubadda cagta + meel iska saaridda wasaaradda aan wasiirka lahayn ee sportiga + Feejignaanta masuuliyiinta GOS = Doorasho warkeed Daaaaaaaa.

 

C/Xafiid C/samad Zaciimka

Zaciimka02@hotmail.com

Last Updated ( Sunday, 07 March 2010 01:24 )